Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor “Galmudug waxay diyaar u tahay inay qabato doorasho qof iyo cod ah”,

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2024
in Wararka
0
Madaxweyne Qoor Qoor “Galmudug waxay diyaar u tahay inay qabato doorasho qof iyo cod ah”,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka kalafadhiga 11-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah, una dhacdo qaab hufan oo ah sida ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga Qaran.

Shir in muddo ah magaalada Muqdisho uga socday golaha wadatashiga Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo sahleysa in shacabka Soomaaliyeed gacantooda ku doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

”Waxay Galmudug diyaar u tahay in sida uga dhaqsiyaha badan ama sida loo qorsheeyay u dhacaan doorashooyinkii tooska ahaa ama (Qof iyo Cod), sidaad la socotaan muddo waxaa magaalada Muqdisho ka socday shirka wadatashiga Qaran, shirkaas oo daba socday shirarkii hore iyo heshiisyadii horey loo galay, 2023-dii bishii May, waxaad la socotaan golaha wadatashiga Qaran waxaa lagu heshiiyay doorashooyinka dalka, wax ka beddelka Dastuurka iyo waddada loo marayo, muddo howlo badan la soo maray oo ay ka mid tahay la dagaallanka argagixisada, khilaafyo iyo howlo oo Dowladda Federaalka kula jirtay murano noo dhaxeeya dowladaha gobolka qaarkood iyo howlo kale oo badan oo mashquul lagu ahaa”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa carabka ku adkeeyay in Galmudug kaalinteeda qaadan doonto, diyaarna u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ama loo qorsheeyay u dhacaan doorashooyinkii tooska ahaa ee lagu heshiiyay.

”Waa guul weyn oo guud ahaan Soomaaliya gaartay in bulshada awooddooda loo celiyo oo gacanta loo geliyo si cidda hoggaamineyso iyo madaxdooda u doortaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

Previous Post

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya?

Next Post

NISA oo gacanta ku soo dhigtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Next Post
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

NISA oo gacanta ku soo dhigtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In