Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

January 26, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip Erdoğan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wada jir ah salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana kooxda baambeyga Muusikada ay u astaanta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Turkiga.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xariga ka jaraan Terminal-ka cusub ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo isbitaalka digfeer oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku sugan Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixan doono wajiga labaad mashaariic horumarineed, maadaama wejigii koowaad la soo gabo gabeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dhismaha isbitaalka Digfeer iyo qalabeyn, dhismaha Terminal-ka iyo tan waddooyinka.

Previous Post

Wasiir Beyle “Booqashada Madaxweynaha Turkiga waxa ay noo tahay mid taariikhi ah”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Madaxweyne adiga iyo wafdiga kula socda markale ku soo dhawaada Soomaaliya” DAAWO

Next Post

Madaxweyne Xasan "Madaxweyne adiga iyo wafdiga kula socda markale ku soo dhawaada Soomaaliya" DAAWO

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In