Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay, Doorashadii Taariikhiga ahayd ee Golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir 25-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Ururada ku bogaadiyay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen hirgalinta hannaanka Dimuquraadiyadda dalka iyo dhabar adeygii ay muujiyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi bilow u ahayd, xaqiijinta himmilada weyn ee Soomaaliya Nabad ah, Dimuquraadi ah, Iskufilan, isla markaana horumarsan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Ururada kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen, Qadiyadda difaaca Qarannimada iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ku booriyay in ay muujiyeen diidamadooda ka dhanka ah damaca gurracan ee kala qaybinta dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda Ururada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay, go’aankiisii dhaxal galka ahaa ee hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si talada dalka dib loogu celiyo shacabka. Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay dowladda si buuxda ugu garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Next Post

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Next Post
Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas'uuliyiinta Hay'adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In