Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo soo gabo gabeeyay socdaalkii Beledweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday oo maalmihii dhawaa howlo shaqo u joogay magaalada Beladweyne ayaa maanta soo gabo gabeeyay, kadib wada hadallo ay la galeen odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamada ay la qaateen odoyaasha dhaqanka waxa ay ku soo gabo gaboobeen intooda badan guulo la taaban karo, waxaana la isku raacay in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa Warbaahinta u sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen kulamadii gaar gaarka ahaa ee lala qaatay odoyaasha dhaqanka.

Wasiirku waxa uu xusay in odoyaasha dhaqanka qaarkood ay ogolaadeen inay ka qeyb qaataan shirka lagu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isagoo intaa ku daray in dowladda ay ka go’antahay sidii wada hadal ay ula geli lahayd dadka ka maqan shirka.

“Shirka waxaan odoyaasha isla gaarnay waxaa ka mid ah in odoyaaha dhaqanka loo dhaafo hagidda maamulida shirka, In odoyaashu ay ku laabtaan laga bilaabo beri oo ay aadaan Jowhar iyo in inta dhiman wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Hal-milyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen

Next Post

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Next Post
Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In