Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ganacsatada Turkiga ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ganacsatada Turkiga ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ganacsatada Turkiga u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ugu furan tahay inay maalgashadaan, taasina ay dani ugu jirto labada dal.

Madaxweynaha ayaa magaalada warshadaha leh ee Bursa ee ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga kula kulmey Rugta Ganacsiga ee Bursa iyo ganacsatada, isagoo kala hadley fursadaha ay ka heli karaan Soomaaliya, xilligan uu dalku ku jiro dib u dhis iyo dib u soo kabasho.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Ganacsatada Turkiga waxay si fudud uga faa’iideysan karaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, waxaana idinku bishaareynayaa in waddankeena uu leeyahay sharciyada maalgashiga, isla markaana aan gacmo furan ku soo dhoweenayno ganacsatada Turkiga’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan, isla markaana maalgashi lagu sameeyo ay tahay waddada keliya ee dib buuxda Soomaaliya ku gaari karto, isagoo intaa ku darey in tixgelin gaar ah la siin doono ganacsatada ugu soo horeeya ee fursado maalgashi ka soo raadsada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka jawaabey su’aalo ay weydiinayeen qaar ka mid ah ganacsatada kulankaasi ka soo qeyb gashey, kuwaas oo doonayey inay wax ka ogaadaan adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulin karaan.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Bursa, Ibrahim Burkay oo sheegay in ganacsatada Turkiga ay diyaar u yihiin in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka ganacsatada ka hor waxaa uu khudbad ka jeediyay Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, isagoo ka warramey xaaladda Soomaaliya , fursadaha maalgashi iyo doorka wanaagsan ee Turkiga uu ka qaatey taageerada Soomaaliya.

Jaamacadda Uludag oo ay wax ka bartaan in ka badan 60 kun oo arday, ayaa Soomaalida ay ka mid yihiin ardayda wax ka barata.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha oo ay wehliyaan madaxda magaalada Bursa ay tageen goobaha taariikhiga ee magaalada, iyadoo Bursa ay ahayd caasimaddii ugu horeysey ee Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 18 19 20 21 22 23 24 unnamed

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuwait “SAWIRRO”  

Next Post

Deg deg Qarax Fiidnimadii Caawa Ka dhacay magaalada Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.

Deg deg Qarax Fiidnimadii Caawa Ka dhacay magaalada Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In