Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hoggaamiyeyaasha Dalalka Islaamka la wadaagay Mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hoggaamiyeyaasha Dalalka Islaamka la wadaagay Mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.

Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan.

Previous Post

Guddiga Qaran ee Gurmadka  roobabka iyo daadadka El-nino oo kulan degdeg ah yeeshay

Next Post

Jabuuti oo ku guulaysatay in ay Hawada Sare u dirto Dayax gacmeed

Next Post
Jabuuti oo ku guulaysatay in ay Hawada Sare u dirto Dayax gacmeed

Jabuuti oo ku guulaysatay in ay Hawada Sare u dirto Dayax gacmeed

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In