Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xuska 25-guurada Aas aaska (EAC)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xuska 25-guurada Aas aaska (EAC)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Dalka Tanzania

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In