Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay kulanka iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika

caqiil by caqiil
July 26, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay kulanka iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatada cunto yarida ka jirta Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay a kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika ee ka socda Magaalada Rome ayaa intaa ku daray in ay lama huraan tahay in ay sameeyaan hannaan cunno oo adkaysi leh, kaas oo jiri doono muddo fog, si loo gaaro ajendaha mustaqbalka ee 2030-ka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wuxuu sheegay in Soomaaliya si la mid ah waddamada kale ee Saxaraha ka hooseeya ay ka jiraan dhibaatooyin ku aaddan is-beddelka cimillada oo ay ka mid yihiin abaaro iyo fatahaado, musiibooyinkaas oo sababa xasillooni darrada, barakaca iyo tahriibka, taas oo kaga sii daraysa xaaladaha nafaqa darro iyo cunto yarida.

“Mustaqbalka Ummadeenna qatar ayuu ku jiraa haddii aynaan isku keenin aragtiyo maan gal ah, isla markaana aynaan qaadin nidaam cunta oo waara, waa inaan mudnaanta siinnaa tallaabooyinka lagu horumarinayo wax soo saarka gudaha oo aan yaraynaa qasaaraha”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanaddii 2021-kii ay Soomaaliya qeexday toddoba hannaan Qaran oo dhidabbada loogu aasayo ajendaha is beddelka ee ku wajahan hannaan cunto oo loo dhan yahay adkeysina leh, isla maraana waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh, “Waa in aan qaadnaa tallaabooyin aan gargaarka Beni-aadannimo ugu baddalayno taageero lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in helidda kheyraadka biyaha oo kooban awgeed ay caqabad ku tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya, wuxuuna maal gashadayaasha u soo jeediyay in ay diiradda saaraan ka faa’iideysiga biyaha, iyada oo loo marayo kaabayaasha waraabka, ka hortagga fatahaadaha, helidda agabka casriga ah ee cimillada iyo tiknolojiyadda si loo kordhiyo wax soo saarka dalka.

 

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda 

Next Post

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Seerbiya

Next Post
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Seerbiya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Seerbiya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In