Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Johannesburg, 14 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Johannesburg, kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Midowdey ee Tanzania, Mudane Jakaya Mrisho Kikwete.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay dalalka qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasiloonida iyo midnimada.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete ayaa isna kulankaasi ka sheegay in dowladdiisa ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyey horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kadib.

Madaxweyne Kikwete ayaa sidoo kale kulankaasi casuumaad ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo Tanzania, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaaddaasi aqbaley.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi is-afgarad leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mahadi Maalim iyo mas’uuliyiin kale

Previous Post

524 guri oo loogu talagalay barakacyaasha oo lagu wareejiyay maamulka Bosaaso

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In