Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Johannesburg, 14 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Johannesburg, kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Midowdey ee Tanzania, Mudane Jakaya Mrisho Kikwete.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay dalalka qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasiloonida iyo midnimada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete ayaa isna kulankaasi ka sheegay in dowladdiisa ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyey horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kadib.

Madaxweyne Kikwete ayaa sidoo kale kulankaasi casuumaad ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo Tanzania, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaaddaasi aqbaley.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi is-afgarad leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mahadi Maalim iyo mas’uuliyiin kale

Previous Post

524 guri oo loogu talagalay barakacyaasha oo lagu wareejiyay maamulka Bosaaso

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo ka khudbeeyay kalfadhiga 35 aad ee golaha wakiilada Puntland-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In