Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee labada Aqal BJFS

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee labada Aqal BJFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah  ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan  mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

Previous Post

Somali Acting Foreign Minister receives a copy of the credentials of the newly appointed Kenyan Ambassador

Next Post

Xildhibaannada labada Aqal oo maanta la hor geyn doono wax ka bedelka Dastuurka

Next Post
Xildhibaannada labada Aqal oo maanta la hor geyn doono wax ka bedelka Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal oo maanta la hor geyn doono wax ka bedelka Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In