Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaawacyo Muqdisho ka sagootiyey (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaawacyo Muqdisho ka sagootiyey (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta inta uusan u amba-bixin magaalada Dhuusamareeb, waxa uu garoonka Muqdisho ku sii sagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxii 22-kii Jannaayo ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan ayaa loo qaaday waddanka Boqortooyada Sacuudiga kaddib markii ay Muqdisho ay soo gaareen laba diyaaradood oo dadkaasi qaaday, waxaana sagootinta dadka dhaawacyada ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxweynaha ayaana dhaawacyada ALLE uga baryey inuu caafimaad siiyo, ugana mahadceliyey dowladda Sacuudiga sida ay umadda Soomaaliyeed u caawiyeen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Caafmaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Drs Xaawo, ayaa sheegtay in dadka la qaaday guud ahaan ay yihiin 21-ka qof oo 18 ka mid ah ay yihiin dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Central Hotel ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali oo ka qeyb-galay sagootinta kana mid ahaa masuuliyiintii ku howlanaa sidii dadka dhaawacyada ah loo qaadi lahaa ayaa tilmaamay in dadaal iyo wada hadal dheer kaddib ay dowladda Sacuudiga akhbashay in ay dhaawacyadan dalkeeda u qaaddo si loogu soo dabiibo, waxa uu intaa raaciyey in Xukuumadda Soomaaliya ay si kal iyo laab ah uga mahadcelineyso dowladda Sacuudiga, welina ay jiraan wadamo diyaar u ah in ay arrintan dowladda Soomaaliya wax kala qaban doonaan.

Dadkan loo qaaday waddanka Sacuudiga ee dhaawacyada qaba, ayaa u baahnaa gargaar caafimaad oo dibedda ah, taas oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal badan ku bixisay sidii dadkaasi loo caawin lahaa oo hadda in badan oo ka mid ah lagu guuleystay.

vlcsnap-2015-03-24-19h54m35s122

vlcsnap-2015-03-24-19h51m30s3

vlcsnap-2015-03-24-19h51m49s16

vlcsnap-2015-03-24-19h52m03s152

vlcsnap-2015-03-24-19h52m42s6

vlcsnap-2015-03-24-19h53m44s49

vlcsnap-2015-03-24-19h54m20s234

vlcsnap-2015-03-24-19h54m35s122

vlcsnap-2015-03-24-19h54m49s22

vlcsnap-2015-03-24-19h55m02s139

Previous Post

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In