Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hayโ€™adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.

โ€œDhismahan waa tusaale muujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka goโ€™naasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeegga loo hayo muwaadiniinta.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale farriin digniin ah u diray argagixisada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka goโ€™an tahay la dagaallanka fikirka argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta goobaha Diinta.

โ€œQofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,โ€ ayuu tilmaamay Madaxwaynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.

Previous Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Next Post

Hayโ€™adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Next Post
Hayโ€™adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hayโ€™adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In