Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Isbitaal Casri ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 17, 2025
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Isbitaal Casri ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Hosbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Hosbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

Previous Post

Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?

Next Post

Furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo la go’aamiyey

Next Post
Furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo la go’aamiyey

Furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo la go’aamiyey

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In