Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Agaasimihii hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.


 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

Next Post

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Next Post
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In