Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Sanadkan 2023ka waa sannadkii dib u xorreynta dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Sanadkan 2023ka waa sannadkii dib u xorreynta dalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood ee lasoo dhaafay halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta, isla markaasna Shacabka Soomaaliyeed u istaageen dib u xorreynta dalka.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

“Hiigsiga sanadka 2023 oo noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu socdo qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed kula wareegeyso guud ahaan Amniga dalka ugu dambeyn bisha Decembar sannadka 2024, isla markaana dalka uga bixayaan Ciidamada Howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha oo ka hadlay Arrimaha Dhaqaalaha ayaa sheegay in la filayo sannadkan 2023 dhexdiisa in dhammaan Dowladda laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sannadkan la filayo in la oggolaado Xubinimada Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika, taasi fursad u ah Ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran diirada lagu saaray Arrimaha Dastuurka iyo qeybsiga Awoodaha, isla markaasna xoogga la saari doono dhammeystirka Dastuurka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In