Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Sanadkan 2023ka waa sannadkii dib u xorreynta dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Sanadkan 2023ka waa sannadkii dib u xorreynta dalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood ee lasoo dhaafay halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta, isla markaasna Shacabka Soomaaliyeed u istaageen dib u xorreynta dalka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026

“Hiigsiga sanadka 2023 oo noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu socdo qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed kula wareegeyso guud ahaan Amniga dalka ugu dambeyn bisha Decembar sannadka 2024, isla markaana dalka uga bixayaan Ciidamada Howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha oo ka hadlay Arrimaha Dhaqaalaha ayaa sheegay in la filayo sannadkan 2023 dhexdiisa in dhammaan Dowladda laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sannadkan la filayo in la oggolaado Xubinimada Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika, taasi fursad u ah Ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran diirada lagu saaray Arrimaha Dastuurka iyo qeybsiga Awoodaha, isla markaasna xoogga la saari doono dhammeystirka Dastuurka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta qorshe howleedka sanadka cusub

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu...

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In