Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaali waxaan rabaa inaan u sheego Dastuurka waqti uma dhinna”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaali waxaan rabaa inaan u sheego Dastuurka waqti uma dhinna”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxda cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore, marti sharaf ka socoto waddamada dariska ah iyo qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxda ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Hambalyo iyo dardaaran u dirtay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo kula taliyey in ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntlan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameystirka Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan.

Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli maalnimadii shalay fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ay ku meel mariyeen Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

 

Previous Post

Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Next Post
Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In