Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Khawaarijta ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka,islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay go’aansadeen in iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed la qaado dagaal ka dhanka argagixisada, halkii la sugi lahaa kaalmo shisheeye iyo ATMIS. Dagaalkaas oo ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadweynaha Soomaaliyeed laga gaaray guulo waa weyn oo Khawaarijta looga xoreeyay dhul ballaaran oo hadda nabad iyo horumar laga dareemayo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

“Waxaan go’aansanay in aan kaashano shacbiga Soomaaliyeed halkii aan sugi laheyn kaalmo shisheeye iyo AMISOM, Abaabul badan kadibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in Shacbiga uu dagaalka Khawaarijta qeyb ka ahaa,”.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in argagixisada laga sifeeyay deegaannada iyo degmooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo laga bilaabay wejiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, Alle mahaddiina hadda shacabka labadaas maamul ay hoos harsanayaan necoowda Dowladnimada.

” Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhul  meeshaas ka bilowba, meel wanaagsan ayuunna marayaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha oo muddo bil ka badan Dhuusamareeb iyo furimaha dagaal u jooga sidii looga miira dhalin lahaa aragtida ah in Al-shabaab laga ciribtito dalka ayaa ku dhiirageliyay geesiyaasha dalka iyo xooggaga dadweynaha in ay dadaalkooda sii laba jibaaran,islamarkaana ay dhow yihiin maalmihii wacnaa iyo mira dhalka halgankooda barax tiran.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday inuu dagaalka sii socon doono, ciidankana ka noqon doonin goobaha hadda cadowga laga xoreeyay.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa.”

Previous Post

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Next Post

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa hawlgal ka fuliyey Deegaanka Dumaaye

Next Post
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa hawlgal ka fuliyey Deegaanka Dumaaye

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa hawlgal ka fuliyey Deegaanka Dumaaye

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In