Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Idman Yahye by Idman Yahye
9 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka, ayna dhageystaan argtiyadooda waxa ay dhibsanayaana ay dhowraan, si looga fogaado in lagu adkeeyo arrimo aysan raalli ka ahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay la tashato qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu xusay in talada dalka ay u furnaan karto dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse go’aannada ugu dambeyna ay yihiin kuwa ay gaaraan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

“Madaxda dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in dowladdu ay xil iska saarayso dhegeysiga iyo tixgelinta dareenka shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad horumarineed oo muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii Soomaaliya ula tartami lahayd dowladaha kale ee gobolka.

“Maanta waxaan gaarnay heer aan kheyraadkeena soo saari karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in taasi ay ka mid tahay guulaha muuqda ee dowladdu ku tallaabsatay.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Next Post
Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In