Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo R/W Xamse dhaqan cusub ayey bilaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo R/W Xamse dhaqan cusub ayey bilaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Alshabaab.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.

“Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada Soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo”.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka “Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In