Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan”Dowladda Soomaaliya Horumar badan ayey ka samaysay Dhinaca Ammaanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anatoly ee dalka Turkiga in dowladdiisu ay horumarro ka sameysay la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in ciidammada Dowladda ay gacanta ku dhigeen meelo badan oo ay horay u maamuli jirtay Kooxda Al-shabaab, isgoo intaa ku daray in ay la kaashadeen dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab AMISOM; isagoo in taa raaciyay in nabadda ay kusii baahayso Soomaaliya oo dhan.
“Ciidammada Dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM haatan waxay ka taliyaan Deegaanno badan oo dalka ah. iyadoo Al-shabaab meelo aad u kooban ay haatan ku sugan yihiin,” ayuu intaa raaciyey Madaxweyne Xasan oo la hadlay Wakaaladda Anatoly ee dalka Turkiga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in xaaladda dalka ay aad u wanaagsan tahay, dadkuna intooda badan ay dareemayaan in ay nabad ku joogaan Deegaannadooda oo markii hore ay ka barakaceen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay boqoashadii wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay ku yimaadeen Muqdisho mid taariikhi ah, isla markaana ay wax badan oo muuqda ka badeshay dareenka beesha caalamka ee ku wajahanArrimaha Soomaaliya.

“Turkigu waa walaalo muhiim u ah Soomaaliya’Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka Madaxweynaha Turkiga ee ku aaddan caawinta Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid horay u socda, ayna iska kaashanayaan labada waddan dhinacyo badan oo ay horumarinta dalka ku jirto, sida ammaanka , dhismaha ciidammada ,dib u dhiska caasimadda, sameynta Warshadaha iyo bixinta Kaalmooyinka bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo baarlamaanka ka codsaday inay siiyaan waqti dheeri ah

Next Post

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Next Post
Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In