Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib safar shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana Garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle, Waxaana Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay iskala soo ambabaxeen Dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Mudada uu joogay magaalada Nairobi halkaasi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah Ururada Caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib-u-dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabelle.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ururka Midowga Yurub Kulan ay wada qaateen ku lafa guray muhiimada Hirshabelle ay u leedahay dhisida iyo tayeynta Ciidamada Boliiska Hirshabelle, xili tababar uu u socdo Dufcadii ugu horeysay Ciidamada Boliiska Hirshabelle, waxaana ay isla garteen in xoogga la saaro ka mira dhalinta xaqiijinta ammaanka iyo tayeynta Ciidanka oo Aasaas u ah sal u dhigida amniga Deegaanada Hirshabelle.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa Mudane Waare in uu Gaaro magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka golaha Amniga Qaranka oo uu qorshuhu yahay in uu ka dhaco magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka  ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Banadir Region Governor Meets with Swedish Ambassador to Somalia

Next Post

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In