Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib safar shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana Garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle, Waxaana Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay iskala soo ambabaxeen Dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Mudada uu joogay magaalada Nairobi halkaasi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah Ururada Caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib-u-dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabelle.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ururka Midowga Yurub Kulan ay wada qaateen ku lafa guray muhiimada Hirshabelle ay u leedahay dhisida iyo tayeynta Ciidamada Boliiska Hirshabelle, xili tababar uu u socdo Dufcadii ugu horeysay Ciidamada Boliiska Hirshabelle, waxaana ay isla garteen in xoogga la saaro ka mira dhalinta xaqiijinta ammaanka iyo tayeynta Ciidanka oo Aasaas u ah sal u dhigida amniga Deegaanada Hirshabelle.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa Mudane Waare in uu Gaaro magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka golaha Amniga Qaranka oo uu qorshuhu yahay in uu ka dhaco magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka  ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Banadir Region Governor Meets with Swedish Ambassador to Somalia

Next Post

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In