Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ayaa waxa uu  madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka Xog-hayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Kulankan maanta uu Madaxweynaha Maamulka  Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha Bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De  Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada Bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Maamulka  Puntland-na ay ka gurmatay amuurtaasi intii taagteeda ah,  balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ay Maamulka  Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.

Previous Post

Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeey geerida marxuum Yuusuf Afgooye

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Agab lagu dhisayo Masjidka Xarunta W/Gaashaandhiga

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Agab lagu dhisayo Masjidka Xarunta W/Gaashaandhiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Agab lagu dhisayo Masjidka Xarunta W/Gaashaandhiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In