Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mahad Maxamed waa wiil yar oo dhibane u ah Al-shabaab-Warbixin

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey (AKHRI)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa uu heystay Aabe ka fakara noloshiisa, ku dhiira geliya waxbarasho iyo inuu dhisto Mustaqbalkiisa, laakiin rajadaas waxa ay idlaatay maalin sabti ah 14-kii October 2017-kii, Markii  Mahad Maxamed Aabihiis uu kamid noqday muwaadiniintii lagu waayey weerarkii Argagixsada Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Si uu u buuxiyo kaalintii Aabihiis Maxamed oo Isgoyska Zoobe ku iibin jiray cabitaan ama sharaab ayuu Mahad Maxamed qaatay masuuliyad weyn oo ah in uu dabaro nolosha walaalihiis iyo Hooyadiis oo markii hore ku tiirsanaa Aabe Maxamed.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

“Aabahey wuxuu cabitaan ku iibin jiray Isgoyska Zoobe, markii qaraxa uu dhacayey waxyar kahor ayaan ka tagay meeshaas, adeeg ayuu reerka iigu dhiibay, markii aan sii marayo Suuqa beerta ayuu qaraxa dhacay, markii aan meesha dib ugu soo laabntayna waxaa laigu yiri Aabahaa Allaha u naxariisto”ayuu yiri Mahad Maxamed oo hadda caseeyanimo ku shaqeysta.

Maadaama aan la helin meydka aabihiis waxaa uu waqtiyo dhowr ah niyeysan jirin maruun in la helo aabihiis, balse ugu dambeyn waxa uu aaminay geerida aabihiis.

“Reerka hadda aniga ayaa u shaqeeya si aan u buuxiyo booskii Aabe oo aan ugu shaqeeyo walaalahey iyo Hooyadey, waxaan ahay caseeye, runtii aabahey waa la waayey muddo ayaana sugayey laakiin ugu dambeyn waan ka samray,ayuu sii raaciyey isagoo ilmeynaya Mahad Maxamed.

Mahad waxa uu mar waliba soo gocdaa laxowgii iyo daryeelkii uu ka heli jiray Allaha u naxariistee Aabihiis Maxamed oo ku bogaadin jiray in nolosha uu heer sare ka gaaro.

“Aabahey Maxamed wuxuu i dhihi jiray waxbaro, Salaadaada Tuko, Mustaqbalkaaga dhiso, waxba ha qabanin ii naso, markii Dacaska ama kabaha ay iga soo go’aan wuu iga tuuri jiray kuwo cusub ayuuna i siin jiray, majiro cid noo buuxi karta booskii aabe, Aad ayan u jecleyn aabaheen hadana ma heysano qof sidiisa oo kale noo xanaaneeya”sidaas waxaa yiri Mahad Maxamed.

Mahad Maxamed si kaste oo ay noloshu ugu adkaatay waxa uu leeyahay hami weyn oo mar uun uu rajeynayo in uu gaaro.

“waxaan rabaa inan Madax noqdo, markaasna waxaan daryeeli doonaa dadka aan waxba heysan ee danyarta ah, waxaan waxbari doonaa caruurta, sidoo kalena waxaan kaalmeyn doonaa qoysaskooda”ayuu yiri Mahad.

Mahad Maxamed waxa uu kamid yahay boqolaal caruur ah oo ay waalidiintood xasuuqeen Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo daqiiqad gudaheed ku laayey inkabadan 500-boqol oo ruux oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta Magaalooyinka

Next Post

Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

Next Post
Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In