Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mahad Maxamed waa wiil yar oo dhibane u ah Al-shabaab-Warbixin

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey (AKHRI)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa uu heystay Aabe ka fakara noloshiisa, ku dhiira geliya waxbarasho iyo inuu dhisto Mustaqbalkiisa, laakiin rajadaas waxa ay idlaatay maalin sabti ah 14-kii October 2017-kii, Markii  Mahad Maxamed Aabihiis uu kamid noqday muwaadiniintii lagu waayey weerarkii Argagixsada Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Si uu u buuxiyo kaalintii Aabihiis Maxamed oo Isgoyska Zoobe ku iibin jiray cabitaan ama sharaab ayuu Mahad Maxamed qaatay masuuliyad weyn oo ah in uu dabaro nolosha walaalihiis iyo Hooyadiis oo markii hore ku tiirsanaa Aabe Maxamed.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Aabahey wuxuu cabitaan ku iibin jiray Isgoyska Zoobe, markii qaraxa uu dhacayey waxyar kahor ayaan ka tagay meeshaas, adeeg ayuu reerka iigu dhiibay, markii aan sii marayo Suuqa beerta ayuu qaraxa dhacay, markii aan meesha dib ugu soo laabntayna waxaa laigu yiri Aabahaa Allaha u naxariisto”ayuu yiri Mahad Maxamed oo hadda caseeyanimo ku shaqeysta.

Maadaama aan la helin meydka aabihiis waxaa uu waqtiyo dhowr ah niyeysan jirin maruun in la helo aabihiis, balse ugu dambeyn waxa uu aaminay geerida aabihiis.

“Reerka hadda aniga ayaa u shaqeeya si aan u buuxiyo booskii Aabe oo aan ugu shaqeeyo walaalahey iyo Hooyadey, waxaan ahay caseeye, runtii aabahey waa la waayey muddo ayaana sugayey laakiin ugu dambeyn waan ka samray,ayuu sii raaciyey isagoo ilmeynaya Mahad Maxamed.

Mahad waxa uu mar waliba soo gocdaa laxowgii iyo daryeelkii uu ka heli jiray Allaha u naxariistee Aabihiis Maxamed oo ku bogaadin jiray in nolosha uu heer sare ka gaaro.

“Aabahey Maxamed wuxuu i dhihi jiray waxbaro, Salaadaada Tuko, Mustaqbalkaaga dhiso, waxba ha qabanin ii naso, markii Dacaska ama kabaha ay iga soo go’aan wuu iga tuuri jiray kuwo cusub ayuuna i siin jiray, majiro cid noo buuxi karta booskii aabe, Aad ayan u jecleyn aabaheen hadana ma heysano qof sidiisa oo kale noo xanaaneeya”sidaas waxaa yiri Mahad Maxamed.

Mahad Maxamed si kaste oo ay noloshu ugu adkaatay waxa uu leeyahay hami weyn oo mar uun uu rajeynayo in uu gaaro.

“waxaan rabaa inan Madax noqdo, markaasna waxaan daryeeli doonaa dadka aan waxba heysan ee danyarta ah, waxaan waxbari doonaa caruurta, sidoo kalena waxaan kaalmeyn doonaa qoysaskooda”ayuu yiri Mahad.

Mahad Maxamed waxa uu kamid yahay boqolaal caruur ah oo ay waalidiintood xasuuqeen Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo daqiiqad gudaheed ku laayey inkabadan 500-boqol oo ruux oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta Magaalooyinka

Next Post

Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

Next Post
Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In