Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye oo maanta lagu caleema saaray duleedka Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhageyso Warka Habeen ee radio Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna caleema saarayay Malaaqa beelaha Xamar iyo Xamr-daye ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho.

Xafladda lagu caleema saarayay Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro wasiir ku xigeenno iyo mudanayaal ka tirsan baarlamanka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sidoo kale Xafladda waxaa goob joog ka ahaa R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen “Nuur-cadde” , siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe, Cali Guudlaawe, Imaan Maxamed Yuusuf, duubab iyo marti sharaf kale.

Imaan Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadda ayaa si weyn usoo dhaweeyay caleema saarka Malaaq Cali Maxamed Wehliye, isagoo u rejeeyay in uu noqdo kii nabad iyo baraare u horseeda bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur cadde ayaa ugu hambalyeeyay Malaaqa xilka dhaqanka ee loo caleema saarayo, wuxuuna kula dardaarmay in uu si hufan u guto howlaha loo igmaday.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ka hadlay xaflada Caleemasaarka ayaa soo dhaweeyay caleemasaarka Malaaqa isagoo ugu hambalyeeyay Malaaq Cali Maxamed Wehliye in uu noqdo Malaaqa 11-aad ee beelaha Xamar iyo Xamar-dayem wuxuuna ballan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doona malaaqa.

Imaam Maxamed Yuusuf oo ku hadlay magaca duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa malaaqa u hambalyeeyay isagoo tilmaamay in xil culus loo dhiibat, sidaasi darteedna loo baahanyahay in uu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo xilka loo doortay.

“Malaaq Cali Maxamed Whliye wan la shaqeyndoonaa hadaan nahay duubabka Soomaaliyeed, waxaana u rajeeyhaa in uu Alle la garab galo xilka culus ee loo caleema saaray” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa noqonaya Malaaqa 11-aad oo ay yeeshaan beelaha dega Xamar Xamar Daye, iaydoo xafladda caleemaarka maanta ka dhacday deegaanka Ceelcadde ay ku dhacday jawi aad u wanaagsan.

unnamed unnamed (21) unnamed (20) unnamed (19) unnamed (18) unnamed (17) unnamed (16) unnamed (15) unnamed (14) unnamed (13) unnamed (12) unnamed (11) unnamed (10) unnamed (9) unnamed (8) unnamed (7) unnamed (6) unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1) unnamed (19)

Previous Post

Dhageyo barnaamijka Dhacdooyinka 28 May 2015

Next Post

Marwada madaxweyanaha oo waalidiinta ugu baaqday iney caruurtooda u ogolaadaan ka qeybgalaka Imtixaanka mideeysan ee wasaaradda

Next Post
Marwada madaxweyanaha oo waalidiinta ugu baaqday iney caruurtooda u ogolaadaan ka qeybgalaka Imtixaanka mideeysan ee wasaaradda

Marwada madaxweyanaha oo waalidiinta ugu baaqday iney caruurtooda u ogolaadaan ka qeybgalaka Imtixaanka mideeysan ee wasaaradda

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In