Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Afgooye ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ku jabiyeen Al-shabaab Weerar ay Xalay ku soo Qaadeen Degmada, ugana Dileen ku dhawaan 10-Maleeshiyo ah.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Cabdinaasir Caalimoow ayaa la hadlay SONNA, wuxuu sheegay Dagaalku uu ka dhacay Sadax jiho oo ka tirsan degamada Afgooye.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Mudane Cabdinaasir ayaa xusay in weerarkii ugu horreeyay kooxda  Al-shabaab ay ku soo qaadeen Saldhigga Degmada Afgooye, halka kan xigayna ay qaadeen Taliska Ciidamada Ammaanka ee Buulo Fooliyo, iyadoo weerarka Sadaxaad oo ka dhacay Webiga Jiinkiisa ay isaga horyimaadeen Ciidamo Gurmad ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo doonayay in kala jaraan Gurmad Ciidamada Ammaanka.

“Dagaal fool ka fool ah ayaa xalay ka dhacay degmada saacaddu markii ay aheyd 12:50Am saacadda Afrikada Bari, Ciidamada oo xogtooda hayay ayaa iskacaabin kala hortagay, illaa Lix kamid ah maleeshiyadii weerarka soo qaaday ayaan ku dilnay waxaana ku jiray horjoogihii maleeshiyadaasi oo qeyaastii Da’aadda Lixdameeyada ku ah meydkiisuna uu hadda dagmada yaallo” ayuu yiri Mudane Cabdinaasir.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ayaa intaas ku daray in Ciidamada dowladda dagaalkaasi ay kaga geeriyoodeen Laba askari, sidoo kalana uu dhaawac fudud kasoo gaaray Guddoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye Mudane Cabdullaah Xasan Cabdi Toobane.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ballan qaaday gargaar caafimaad gabadhii lagu dhibaateeyey Galdogob.

Next Post

Hanti dhowraha Qaranka “Waxaan ku guuleysanay in hay’adaha dowladda ay akoono ka furtaan bankiga dhexe”

Next Post
Hanti dhowraha Qaranka “Waxaan ku guuleysanay in hay’adaha dowladda ay akoono ka furtaan bankiga dhexe”

Hanti dhowraha Qaranka "Waxaan ku guuleysanay in hay'adaha dowladda ay akoono ka furtaan bankiga dhexe"

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In