Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nooca Cabdibilaha loo yaqaano ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaasi oo ka soo cararay howlagallada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow
“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab, waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda, waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow.
Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo qayaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.
Isa soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada Shabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMISOM iyo saaxiibada caalamka.