Wednesday, November 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsana Shabaab watayna hub iyo gaadiid oo isu soo dhiibay ciidamada XDS

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad  ka tirsana Shabaab watayna hub iyo gaadiid oo isu soo dhiibay ciidamada XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nooca Cabdibilaha loo yaqaano ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaasi oo ka soo cararay howlagallada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab, waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda, waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor  Maxmed Nuur Shikshigow.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025

Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo qayaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.

Isa soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada Shabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMISOM iyo saaxiibada caalamka.

Previous Post

Dowladda F. S. oo deeq Dawo ah ka guddoontay Sucuudiga+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyayaasha Dunida Muslimka

Next Post
Madaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyayaasha Dunida Muslimka

Madaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyayaasha Dunida Muslimka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In