Wararka ka imaanaya deegaanka Baano oo ka tirsan tuulada Abal isla markaana hoostagta degmada Xudur ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xalay , kaas oo u dhaxeeyey maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxda taabacsan Muqtaar Rooboow oo ka tirsanaa horjoogeyaasha sare ee Kooxda, laakiin muddooyinkaan dambe gaar uga baxay kaddib khilaaf hareeyey hoggaanka Al-Shabaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa ku soo warramaya in dagaal socday dhowr saacaddood uu dhexmaray malleeshiyaadka labada dhinac kala ah, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.
“Al-shabaab bilihii u dambeeyey waxa ay go’doomiyeen deegaanka Baana ee uu Muqtaar Rooboow ku sugan yahay, iyagoo uu qorshahooda yahay in ay dilaan, si uu u maro waddadii lagu khaarajiyey horjoogayaal ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jaamac Meecaad (Al-Zeylici) & Abuu Mansuur Al-Amriiki, Rooboow waxa uu ula muuqday kooxda mid baddelay aragtidiisa ku addaneyd ka mid ahaanshaha horjoogayaasha Al-shabaab oo ugu dambeyn shirqool ay ku dilaan kooxda dhexdeeda isla horjoogayaashooda, balse lama hubo in weerarrada lagu qaadayo deegaanka Baana ay noqon doonaan kuwa laga gaaro hadafka laga leeyahay ee ah in gacanta lagu dhigo ama la dilo Muqtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)”.
Xogta aan heynno ayaa muujineysa in ay suuragal tahay in halka uu ka dhacay weerarka ee Baana uu ka xeyladeysto Rooboow, laakiin lama oga halka uu saldhig ka dhigan doono go’aankiisa kaddib.
Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkii dhacay xalay inkastoo aad ay u adag tahay in la ogaado tirada dhimashada iyo dhaawac ee labada dhinac.
Wixii ku soo kordha Wararkeenna ayaan ku soo dari doonnaa