Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo weerar ku qaaday halka uu ku suganyahay Muqtaar Rooboow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Al-shabaab oo weerar ku qaaday halka uu ku suganyahay Muqtaar Rooboow

My beautiful picture

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya deegaanka Baano oo ka tirsan  tuulada Abal  isla markaana hoostagta degmada Xudur ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xalay , kaas oo u dhaxeeyey maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxda taabacsan Muqtaar Rooboow oo ka tirsanaa horjoogeyaasha sare ee Kooxda, laakiin muddooyinkaan dambe gaar uga baxay kaddib khilaaf hareeyey hoggaanka Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa ku soo warramaya in dagaal socday dhowr saacaddood uu dhexmaray malleeshiyaadka labada dhinac kala ah, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

“Al-shabaab bilihii u dambeeyey waxa ay go’doomiyeen deegaanka Baana ee uu Muqtaar Rooboow ku sugan yahay, iyagoo uu qorshahooda yahay in ay dilaan, si uu u maro waddadii lagu khaarajiyey horjoogayaal ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jaamac Meecaad (Al-Zeylici) & Abuu Mansuur Al-Amriiki, Rooboow waxa uu ula muuqday kooxda mid baddelay aragtidiisa ku addaneyd ka mid ahaanshaha horjoogayaasha Al-shabaab oo ugu dambeyn shirqool ay ku dilaan kooxda dhexdeeda isla horjoogayaashooda, balse lama hubo in weerarrada lagu qaadayo deegaanka Baana ay noqon doonaan kuwa laga gaaro hadafka laga leeyahay ee ah in gacanta lagu dhigo ama la dilo Muqtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)”.

Xogta aan heynno ayaa muujineysa in ay  suuragal tahay  in halka uu ka dhacay weerarka ee Baana uu ka xeyladeysto Rooboow, laakiin lama oga halka uu saldhig ka dhigan doono go’aankiisa kaddib.

Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkii dhacay xalay inkastoo aad ay u adag tahay in la ogaado tirada dhimashada iyo dhaawac ee labada dhinac.

Wixii ku soo kordha Wararkeenna ayaan ku soo dari doonnaa

Previous Post

Madaxweynaha Dowl-goboleedka Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridi marxuum Axmed Kismaayo

Next Post

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Next Post
Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In