Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo duugay Ceelashii deegaanka No-50

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Khawaarijta oo duugay Ceelashii deegaanka No-50
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Khawaarijta Al shabaab ayaa duugay Ceel biyood ku yaallo Aboocow oo hoostaga deegaanka No-50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Khawaarijta ayaa tallaabadan foosha xun qaadday ka dib markii dadka deegaanku ay u hoggaansami waayeen amarro qaldan oo ka soo baxay kooxda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Guddoomiyaha deegaanka No.50, Maxamed Maxamuud Abuukar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay argagixisadu ay bilaabeen in ay shacabka ciqaabaan oo ceelashii biyaha ay ka cabayeen ka gubaan kana duugaan.

“ Dadka deegaanku markaad kor ka fiirso dad colaad dheer soo maray in ay yihiin indhahooda ayaa ka dareemeysaa, 7-sano ayay dagaal ku soo jireen, Barakac iyo dhibaatooyin kale ayay la soo kulmeen,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dadka deegaanka Aboocow ayaa sheegay in arrintan ay tusaale cad u tahay dhaqamada foosha xun ee Khawaarijtu kula kacayaan dadka masaakiinta ah ee la daala dhacaya abaarta iyo colaadda isbiirsaday.

Dad badan oo ku tiirsanaa Ceel biyoodka ay bur buriyeen arxan-laawayaasha Al-shabaab ayaa soo maciin biday deegaanka No-50, halkaas oo ay soo dhoweyn wanaagsan ka heleen.

Previous Post

Q.M oo Maxkamadda Cadaaladda ugu baaqay inay wax ka qabato xadgudubyada ka dhanka ah shacabka Falastiin

Next Post

Sideey Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

Next Post
Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika

Sideey Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In