Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Shabaab oo sheegay in Saalax Badbaado uu fuliyay qaraxyadi shalay ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 27, 2016
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab oo sheegay in Saalax Badbaado uu fuliyay qaraxyadi shalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka maleeshiyaadka Shabaab ayaa baahisay in qaraxyadii shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka Aadan Cadde uu fuliyay Ex-xildhibaan Saalax Badbaado oo horay uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia isagoo u galay maleeshiyaadka Shabaab sanadkii sanadkii 2010-ki .

Farriin cod ah oo maleeshiyaadka Shabaab ay ka duubeen dhagarqabe Saalax Badbaado ka hor inta uusan fulin qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayeey baahisay  Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka argagixisada Shabaab.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Naftii hallige  Saalax Badbaadow ayaa fariinta uu duubay ku sheegay in uu fulinayo  weeraradii shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo dardaaran u diray  maleeshiyaadka Shabaab.

Dhagar qabahan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee dega gobolada waqooyi ee Somaliland iney taageeraan maleeshiyaadka Shabaab, taasoo muujineysa sida dhagarqabahu ugu fogaaday afkaarta qaldan ee xagjirnimada ah oo ku kaliftay in uu shalay isku qarxiyo dad abriya ah oo an waxba galabsan.

Naftii hallige Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ee dowladii uu madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa  u goostay maleeshiyaadka shabaab sanadkii 2010-ki tan iyo xiligaasna hadalkiisa lama maqal.

Intii maqashay ismiidaaminti dhaqarqabe Saalax Badbaado ayaa maag gacmaha madaxa saaray, waxeyna tani noqotay arrinta ugu hadalheyska badan ee hareeysay baraha bulshada.

saalax-badbaado

Previous Post

Xisbiga Dimuquraaddiga oo Hillary Clinton xalay u caleemasaaray musharaxa madaxweynaha Mareykanka+Sawirro

Next Post

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Next Post
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In