Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyada Al-Shabaab oo Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Gobolka Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026

Taliyaha Ururka 26-aad Guutada Saddexaad ee Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Xasan Jaamici oo la hadlay Radio Muqdisgo codka Ciidamada Qalabka sida, ayaa ka warbixiyay dagaal Maleeshiyada ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Goobaha ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerareen waxaa ka mid ah deegaanada Buula-mareer,Golweyn Qoryooley iyo Xero Ciidamada AMISOM degan yihiin oo ku taalo Gobolkaasi.

Gaashaanle sare Xasan Jaamici ayaa sheegay in Al-Shabaab labo ka mid ah Xeryaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugan yihiin ku soo qaadeen weerar Qaraxyo ah ka dibna laga hortagay.

“ Labo meelood oo ka mid ah meelaha hadda aan kuu sheegay sida deegaanada Buula-mareer Xeryaha ku yaala ee AMISOM iyo SNA ku sugan yihiin ayaa waxay ku soo qaadeen Qaraxyo iyo Arbushaad weerar isugu jira,markii ay Qaraxyada dhaceen weeraradana wey ku xigeen,afaafka hore ee Difaacyada ayay Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM ku sugaanyeen markii weerarka la soo qaadayay,” Ayuu yiri Gaashaanle sare Xasan Jaamici.

Sidoo kale,Taliyaha Taliyaha Ururka 26-aad Guutada Saddexaad ee Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Xasan Jaamici oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in Qaraxyada Shabaab ay soo qaadeen ay ka koobaanyeen labo gaari oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay,waxayna ciidamada uga hortageen meel xoogaa u jirta Xeryaha Ciidamada laguna qarxiyay,sidoo kalena lagu baabi’iyay Maleeshiyadii la socotay.

Weerarada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanada Buula-mareer Golweyn iyo Qoryooley ma jiraan wax khasaaro ah oo ka soo gaaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM,marka laga reebo Maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo meydadkooda lagu arkay geedaha hoostooda oo Ciidamada Qalabka sida ay goobta ugu tageen,sida uu xaqiijiyay Taliye Xasan Jaamici.

Deegaanka Buula-mareer oo ka tirsan degmada Kurtunwarey ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa guud ahaan waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xoogga dalka,kuwaasi oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii Shacabka Cadow Al-Shabaab uga difaaci lahaayeen.

Previous Post

Dhageyso: Saldhigyo Maleeshiyad Al-shabaab ku lahaayeen Ceelbuur oo la duqeeyey

Next Post

Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Next Post
Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In