Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyada Shabaab oo dad rayid ah ku xasuuqday Gobollada Gedo iyo Shabeelaha Hoose

March 16, 2015
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ayaa tuulo hoos timaada waxa ay dileen guddoomiyaha Tuulada iyo qoyskiisa, kaddib markii shan ka mid ah kooxda Shabaab oo si dhuumaaleyso ah u tegay tuulada ay falkaasi geysteen.

Guddoomiyaha degmada Luuq Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa sheegay in tuulada lagu dilay dadka ay magaalada u jirto dhowr iyo toban KM, isagoo xusay inay jiraan saddex qof oo kale oo falkaasi ku dhaawacantay oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Luuq.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

“Tuulada jid wareeg haddii la maro waxa ay magaalada u jirtaa dhowr iyo toban, laakiin haddi webiga laga gudbo todobo km ayay noo jirtaa, waxa ay tacshiirad ku fureen guriga, halkaasi waxaa ku geeriyooday guddoomiyaha, xaaskiisa, hooyadiis iyo labo kale oo ka mid ah gabdhihiisa, runtii falkaasi aad ayaan uga xunahay” ayuu yiri Bishaar Aadan.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ciidamada amniga loo diray halka uu falka ka dhacay, isagoo xusay inay baadi goob ugu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geystay.

Dhanka kale maleeshiyada xagjirka ah ee Shabaab ayaa degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dishay odoy dhaqameed caan ka ah magaalada, iyagoo goobta ka baxsaday kaasi oo la oran jiray Bashiir Xasan Cabdulle Xuurshoow.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siiddi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay cambaareynayaan falkaasi kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ama UGUS ay ka geysteen degmada Qoryooleey.

“Runtii falka ka dhacay degmada Qoryooleey waan cambaareyneynaa, waxa ayna dileen Nabadoon Bashiir Xasan Cabdulle, wiil uu dhalay iyo mid kale oo shaqaale u ahaa, waxaana ciidamada ay iminka ku raad joogaan sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayeen kuwii falkaasi ka dambeeyay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Real Madrid oo Ka Adkaatay Kooxda Levante “SAWIRRO”

Next Post
Real Madrid oo Ka Adkaatay Kooxda Levante “SAWIRRO”

Real Madrid oo Ka Adkaatay Kooxda Levante “SAWIRRO”

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In