Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Man United oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha West Ham,Southampton,Tottenham,Swansea iyo QPR oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2014
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Aston Villa ayaa garoonkeeda Villa Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Manchester United.

Kooxda Aston Villa ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Christian Benteke,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Bent gool Bente goolBen celee Ben celeeee

Ciyaaryahan Radamel Falcao ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Manchester United.

Falcoa gool goolFalc celee Falca celee

Ciyaaryahan Gabriel Agbonlahor ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Aston Villa.

ReedRed

Kooxda Manchester United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Kooxda West Ham United ayaa garoonkeeda Upton Park 2-0 uga badisay kooxda Leicester City.

Kooxda West Ham ayaa goolka la hor martay,waxana daqiqadii 24-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Andy Carroll,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

arol goolCarol celee Caroll celeeCarol calee

Ciyaaryahan Stewart Downing ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda West Ham United.

Dow celee Down celee

Kooxda West Ham United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 31-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda St Mary 3-0 uga badisay kooxda Everton.

Kooxda Southampton ayaa goolka la hor martay,waxana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka ka dhaliyay kooxdiisa ciyaaryahan Romelu Lukaku oo weerarka uga ciyaarta kooxda Everton,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Lukaku goolLakak goolLuk celeeCele 1

Ciyaaryahan Graziano Pelle ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Southampton.

Pelle gool Pelle gooolPelle celee

Ciyaaryahan Maya Yoshida ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Southampton.

Yoshida goolYoshida celee

Kooxda Southampton ayaa afar kulan oo guul darooyin is xig xigay ka dib gaartay guusheedii ugu horeysay ee horyaalka ingiriiska.

Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 29-dhibcood,halka kooxda Everton ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 21-dhibcood.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa garoonkeeda White Hart Line 2-1 uga badisay kooxda Burnley.

Kooxda Tottenham ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Harry Kane.

Kane goolKane celee

Ciyaaryahan Ashley Barnes ayaa daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Burnley.

Ashley gool Ashley gooolAshley Celee

Ciyaaryahan Erik Lamela ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Tottenham,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Lamela goolLamela celee Lamela celeeee

Labada kooxood ayaana qeybtii danbe ee ciyaarta wax gool ah iska dhalin.

Kooxda Tottenham ayaa horyaalka uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 27-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseyso.

Kooxda Hull City ayaa waxaa garoonkeeda KC Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Swansea City.

Kooxda Swansea City ayaa goolka la hor martay,waxaana goolka uu ka yimid kubad uu daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta uu laaday ciyaaryahan Jonjo Shelvey oo ku sii dhacday ciyaaryahan Sung-Yueng Ki.

JonjoCeleecaleee

Labaad kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Koxda Swansea City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxda Hull City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa garoonkeeda Lofts Road 3-2 uga badisay kooxda West Bromwich Albion.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa bilowgii ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Joleon Lescott iyo Silvestre Varela.

Lescot goolLescot celeeVarela gool

Ciyaaryahan Charlie Austin ayaa daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

pen apeealAustin Pen Austin Pena

Ciyaaryahan Charlie Austin ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers.

Austin gool2

Ciyaaryahan Charlie Austin ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad ee guusha u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers.

Austin gool 3Austin cele 3

Kooxda West Bromwich Albion ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 14-aad,waxana ay leedahay 17-dhibcood,halka kooxda Queens Park Rangers ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaflad lagu weyneynayo sanadguurada ciidanka booliiska oo caawa ka socota Muqdisho

Next Post

Xaflad lagu weyneynayo sanadguurada ciidanka booliiska oo caawa ka socota Muqdisho

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In