Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MAQAAL:- Canshuurta Yaa ku gar leh

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
MAQAAL:- Canshuurta Yaa ku gar leh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Canshuur waa maxay?

Canshuurtu waa qadar lacageed oo ay ku soo rogtay dawladi shakhsiyaadka iyo shirkadaha, si loo maal-geliyo kharashka ay ku fuliso sugidda amniga, adeegga bulshada, bixinta mushaarka shaqaalaha iyo dhisidda ama dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha.
Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Cutubka 14aad Qodobka 148, xarfaha A, B, C, D, E, F, G, H, I ayaa si faahfaahsan u qeexaya arrinkan.
Noocyada Canshuurta.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Dalalka Addunku ilaa haatan iskuma waafaqsana noocyada canshuurta iyo qiimaha ay qaadaan, balse si guud waxaa jira dhowr nooc oo canshuur ah, waddamada adduunkoo idilna ay qaadaan kuwaas oo kala ah:
1. Canshuurta dakhliga: Waa lacag cayiman oo laga jaro mushaarka shaqaalaha joogtada ah bil kasta, halka shirkadahana laga qaado qadar ku saabsan faaiidada sanadlaha ah ee ay helaan.
2. Canshuurta soo dajinta badeecadaha ( canshuurta iibka).
3. Canshuurta hantida ma guurtada ah, sida dhulka iyo gaadiidka
4. Canshuurta iibsiga iyo adeegga ( VAT) oo ah Canshuur uu bixiyo macaamilka mar kasta oo badeecad iibsado ama adeeg loo sameeyo.
Maxay isku khilaafsanyihiin ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda?
1. Canshuurta soo dajinta badeecadaha ( Canshuurta iibka).
Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii loo soo kabi lahaa dhaqaalaha, deyntana looga cafin lahaa dalka ayaa doonaysa in hannaanka cashuur-bixinta uu noqdo mid ku salaysan habka sharciga ah ee u dagsan dalka, halka uu markii hore ahaa mid ku dhisnaa qaab xeer jajab ah oo lagu canshuuri jiray alaabta dekedda ka soo dagtay hal-beegga kartoonka ay ku jirto.

Qiimaha la qaadi jiray ayaa kala ahaa: Kartoonka alaabta ku jirta ay ka yartahay 11Kg waxaa laga qaadi jiray 1.5$, halka kartoonka 40Kg ay ku jirto laga qaado lacag 3$ oo qura ah.
Kartoonnada looma fiirin jirin qiimaha alaabta kujirta oo waxaa isku mid ahaa kartoonka dacasku ku jiro iyo kan dahabku ku jiro sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale ganacsatadu waxay ay ka biyo diidan yihiin in canshuurta iibka laga qaado Dekedda, isla markaana la qaado kaddib marka wax la iibsado, balse aanay aheyn in Dekeda looga qaado alaab aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto khasaare iyo faa’ido midna.
Arrinkan ayaa ah mid aan ka jirin dunida, sababtoo ah waxa ay ka dhigan tahay ganacsatadu badeecadda ay keenayn haddii la iibsan waayo sida ay ku doodayaan, laakiin waa ka samri karaan lacagtii malaayiinka doolar ahaa ee ay ku soo gateen haddii ay ka khasaarto balse shilimaadka canshuurta ah ee dowladdooda ay ka qaadeyso waa quuri la’ yihiin.

2. Canshuurta VAT

waa Canshuur uu bixiyo macaamilka mar kasta oo badeecad uu iibsado ama adeeg loo sameeyo, waxaana canshuurtan ay ka jirtaa in ka badan 160 dal.

Dalka Faransiiska ayaa laga dhaqan geliyey sanadkii 1954tii.
qiimaha la qaado ayaa u dhexeya 5% ila 25% qiimaha sheyga la iibsaday.

Dowladda Federaalka ah ayaa sheegaysa in canshuurtan ay ka dhaqan gelisay qiimaha ugu yare ee dunida la qaado oo ah 5%.
Waxaa xusid mudan in Maamulka Puntland ee hoos yimaada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhaqan gashay canshuurta VAT-ka sanadkii 2016kii.

Haddaba, arrimahan aan kor ku soo xusnay oo idil waxa ay tilmaamayaan in muranka ku saabsan canshuurta ee ka taagan Caasimadda dalka ay tahay mid ka tarjumeysa danaha shakhsiyaad gaar ah oo doonaya in ay majo xaabiyaan hannaanka canshuuraatka, si aysan u hirgelin.

Dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegaya in bixinta canshuurtu ay asaas u tahay ganacsiga, maadaama dowladda ay ku garab siineyso sugidda amniga taas oo fursado iyo dhaq dhaqaaq ganacsi uga dhigan bulshada, iyada oo ay tusaale u tahay magaalada Muqdisho iyo ganacsiga ka hana qaaday sanaddadii koobnaa ee xasilloonidu ay ka jirtay.

W.Qoray: Maxamuud

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeya geerida ku timid Nabaddoon Axmed Diiriye

Next Post

La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

Next Post
La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In