Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MAQAAL:- Canshuurta Yaa ku gar leh

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
MAQAAL:- Canshuurta Yaa ku gar leh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Canshuur waa maxay?

Canshuurtu waa qadar lacageed oo ay ku soo rogtay dawladi shakhsiyaadka iyo shirkadaha, si loo maal-geliyo kharashka ay ku fuliso sugidda amniga, adeegga bulshada, bixinta mushaarka shaqaalaha iyo dhisidda ama dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha.
Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Cutubka 14aad Qodobka 148, xarfaha A, B, C, D, E, F, G, H, I ayaa si faahfaahsan u qeexaya arrinkan.
Noocyada Canshuurta.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Dalalka Addunku ilaa haatan iskuma waafaqsana noocyada canshuurta iyo qiimaha ay qaadaan, balse si guud waxaa jira dhowr nooc oo canshuur ah, waddamada adduunkoo idilna ay qaadaan kuwaas oo kala ah:
1. Canshuurta dakhliga: Waa lacag cayiman oo laga jaro mushaarka shaqaalaha joogtada ah bil kasta, halka shirkadahana laga qaado qadar ku saabsan faaiidada sanadlaha ah ee ay helaan.
2. Canshuurta soo dajinta badeecadaha ( canshuurta iibka).
3. Canshuurta hantida ma guurtada ah, sida dhulka iyo gaadiidka
4. Canshuurta iibsiga iyo adeegga ( VAT) oo ah Canshuur uu bixiyo macaamilka mar kasta oo badeecad iibsado ama adeeg loo sameeyo.
Maxay isku khilaafsanyihiin ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda?
1. Canshuurta soo dajinta badeecadaha ( Canshuurta iibka).
Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii loo soo kabi lahaa dhaqaalaha, deyntana looga cafin lahaa dalka ayaa doonaysa in hannaanka cashuur-bixinta uu noqdo mid ku salaysan habka sharciga ah ee u dagsan dalka, halka uu markii hore ahaa mid ku dhisnaa qaab xeer jajab ah oo lagu canshuuri jiray alaabta dekedda ka soo dagtay hal-beegga kartoonka ay ku jirto.

Qiimaha la qaadi jiray ayaa kala ahaa: Kartoonka alaabta ku jirta ay ka yartahay 11Kg waxaa laga qaadi jiray 1.5$, halka kartoonka 40Kg ay ku jirto laga qaado lacag 3$ oo qura ah.
Kartoonnada looma fiirin jirin qiimaha alaabta kujirta oo waxaa isku mid ahaa kartoonka dacasku ku jiro iyo kan dahabku ku jiro sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale ganacsatadu waxay ay ka biyo diidan yihiin in canshuurta iibka laga qaado Dekedda, isla markaana la qaado kaddib marka wax la iibsado, balse aanay aheyn in Dekeda looga qaado alaab aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto khasaare iyo faa’ido midna.
Arrinkan ayaa ah mid aan ka jirin dunida, sababtoo ah waxa ay ka dhigan tahay ganacsatadu badeecadda ay keenayn haddii la iibsan waayo sida ay ku doodayaan, laakiin waa ka samri karaan lacagtii malaayiinka doolar ahaa ee ay ku soo gateen haddii ay ka khasaarto balse shilimaadka canshuurta ah ee dowladdooda ay ka qaadeyso waa quuri la’ yihiin.

2. Canshuurta VAT

waa Canshuur uu bixiyo macaamilka mar kasta oo badeecad uu iibsado ama adeeg loo sameeyo, waxaana canshuurtan ay ka jirtaa in ka badan 160 dal.

Dalka Faransiiska ayaa laga dhaqan geliyey sanadkii 1954tii.
qiimaha la qaado ayaa u dhexeya 5% ila 25% qiimaha sheyga la iibsaday.

Dowladda Federaalka ah ayaa sheegaysa in canshuurtan ay ka dhaqan gelisay qiimaha ugu yare ee dunida la qaado oo ah 5%.
Waxaa xusid mudan in Maamulka Puntland ee hoos yimaada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhaqan gashay canshuurta VAT-ka sanadkii 2016kii.

Haddaba, arrimahan aan kor ku soo xusnay oo idil waxa ay tilmaamayaan in muranka ku saabsan canshuurta ee ka taagan Caasimadda dalka ay tahay mid ka tarjumeysa danaha shakhsiyaad gaar ah oo doonaya in ay majo xaabiyaan hannaanka canshuuraatka, si aysan u hirgelin.

Dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegaya in bixinta canshuurtu ay asaas u tahay ganacsiga, maadaama dowladda ay ku garab siineyso sugidda amniga taas oo fursado iyo dhaq dhaqaaq ganacsi uga dhigan bulshada, iyada oo ay tusaale u tahay magaalada Muqdisho iyo ganacsiga ka hana qaaday sanaddadii koobnaa ee xasilloonidu ay ka jirtay.

W.Qoray: Maxamuud

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeya geerida ku timid Nabaddoon Axmed Diiriye

Next Post

La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

Next Post
La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In