Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka oo 127 milyan oo dollar ugu deeqay Abaaraha ka jira Afrika

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Maraykanka oo 127 milyan oo dollar ugu deeqay Abaaraha ka jira Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunka uu saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tiri danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Waaxda arrimaha Afrika ee Mareykanak ayaa sheegtay in la filayo in guud ahaan dadka cunto yaridu ay ku hayso dunida ay kor u dhaaftay 230 milyan oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine uu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan uu ku sii kordhiyay illaa 40 milion oo qof oo dheeraad ah.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasi oo lagu taageero arrimaha Abaaraha ee dhaliyay qaxootiga iyo barakaca.

Previous Post

Carruur walaalo ah oo ay miino kula qaraxday gobolka Togdheer

Next Post

Ciidamada Amaanka Dowlad degaanka Soomaalida oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada Amaanka Dowlad degaanka Soomaalida oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Amaanka Dowlad degaanka Soomaalida oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In