Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka oo ka digay weerarro  cusub oo lala beegsado Garoonka Diyaaradaha Kabul

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Maraykanka oo ka digay weerarro  cusub oo lala beegsado Garoonka Diyaaradaha Kabul
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay heerkii ugu dambeeyay ee hawsha daad –gureynta dadka  ee ka socotay  Garoonka diyaaradaha Kabul, iyagoo ka digay weerar suuragal ah in saacadaha soo socda lala beegsado Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa  maanta oo Axad ah soo saartay digniin cusub, iyadoo ugu baaqday muwaadiniinteeda inay degdeg uga baxaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha Kabul sababo la xiriira khatar laga filankaro kooxaha argagixisada ah.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Safaaradda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta  ay iska ilaaliyaan aadida Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Shabakadda  POLITICO oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan Pentagon -ka  Mareykanka ayaa sheegtay in digniinta safaaradda Mareykanka ee Kabul ay timid kadib markii ay soo gaartay hanjabaadyo la xariira qarxiyo iyo weerarro lagu qaado meelaha ay ku suganyahiin Ciidamada Mareykanka.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ku dhawaad ​​kun qof oo Rayid ah ay ku hareen Garoonka Diyaaradaha,  halka Ciidamada Mareykankana ay galeen heerkii ugu dambeeyay ee daadgureynta muwadiniintooda iyo dadka ka baxsanaya Daalibaan.

Previous Post

Shirka wada tashiga Siyaadda qaran ee Qurba joogta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay 539 qof oo tahriibayaal ah

Next Post
Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay 539 qof oo tahriibayaal ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay 539 qof oo tahriibayaal ah

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In