Ololeeyeyaasha iyo siyaasiyiinta ayaa si taxadir leh u soo dhaweeyay baaqa Mareykanka iyo Shiinaha oo ah iskaashiga wax ka qabashada isbedelka cimilada adduunka.
Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa arrintan ku sifeeyay talaabo dhiirigelineed muhiim ah, laakiin hey’adda cimilada u doodda ee Greenpeace ayaa sheegtay in labadan dal looga baahan yahay in ay muujiyaan ka go’naansho ama balan qaad intaan ka badan
Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ah labada dal ee ugu badan oo hawada ku sii daaya qiiqa CO2 kaas oo waxyeeleeya lakabyada hawada isla markaana keena kororka heel kulka adduunka.
Sida uu dhigayay heshiiska cimilada ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska lagu wada gaaray 2015 in heer kulka dunida laga dhigo 1.5C, halbeegaas oo ah dhigeen seynisyahnada cimilada waana sidii uu ahaa heer kulka caalamka ka hor warshadaha.
Baaqan ayaa ka dambeeyay ka gedaal markii labada dal ee xafiltanka adag ka dhexeeyo ay Arbacaddii ka soo saareen shirka cimilada adduunka ee ka socda magaalada Glasgow ee UK, madaxweyne Joe Biden iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa todobaadka soo aadan yeelan doono kulan ay uga wada hadli doonaan qodobo ay arrintan kamid tahay.