Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Washington ayaa cunaqabatayn shaqsiyadeed  dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u qaabilsanaa horumarinta Nuclearka,waxaana Mareykanka uu sheegay in uu beegsanayo dadka sida gaarka ah u horumariya Gantaalada Waqooyiga Kuuriya.

Magacyada labada sarkaal ayaa kala ah Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol k,kuwaasi oo Wasaaradda MaaliyaddaMareykanka ay shaacisay magacyadooda,iyada oo ku sheegtay “in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi,taasi oo keentay in Mareykanka uu qaato talaabo taasi loog ajawaabayo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Wakaalada Wararka Reuters ee Dalka Britain ayaa baaritaan ay sameysay bishii May ayay ku sheegtay in labadan nin iyo Jang Chan-ha oo gantaallada sameeya uu soo xushay Kim Jong-un ayna agtiisa caan ka yihiin.

Kulana y jimcihii yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh ku saaray Kuuriyada Waqooyi, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabo dagaal” ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Waxaa Dowladda Kuuriyada Waqooyi ay Sannadkii hore tijaabisay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Previous Post

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo.

Next Post

Madaxweyne Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeele

Next Post
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo muhiim ah

Madaxweyne Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeele

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In