Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Washington ayaa cunaqabatayn shaqsiyadeed  dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u qaabilsanaa horumarinta Nuclearka,waxaana Mareykanka uu sheegay in uu beegsanayo dadka sida gaarka ah u horumariya Gantaalada Waqooyiga Kuuriya.

Magacyada labada sarkaal ayaa kala ah Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol k,kuwaasi oo Wasaaradda MaaliyaddaMareykanka ay shaacisay magacyadooda,iyada oo ku sheegtay “in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi,taasi oo keentay in Mareykanka uu qaato talaabo taasi loog ajawaabayo.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026

Wakaalada Wararka Reuters ee Dalka Britain ayaa baaritaan ay sameysay bishii May ayay ku sheegtay in labadan nin iyo Jang Chan-ha oo gantaallada sameeya uu soo xushay Kim Jong-un ayna agtiisa caan ka yihiin.

Kulana y jimcihii yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh ku saaray Kuuriyada Waqooyi, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabo dagaal” ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Waxaa Dowladda Kuuriyada Waqooyi ay Sannadkii hore tijaabisay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Previous Post

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo.

Next Post

Madaxweyne Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeele

Next Post
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo muhiim ah

Madaxweyne Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeele

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In