Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad Maraykan ah ayaa dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, iyagoo sidokale qorsheeyeen inay qarxiyaan buundooyin ama ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan, inta uu socdo falka afduubku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jiraan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahawareeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qorshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya Gaadiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xiriira inay haysteen walxo qarxa.

Kiiskan ayaa baaristaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo dagaalamay dalka Maraykanka, oo ka tirsanaa koox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maqlay, xubno ka sheekaysanaysa inay laayaan ciidanka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si hoose ula shaqeeyo laanta dembi baarista Maraykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey kooxda qorshaynaysay inay afduubaan barasaabka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelayay tababarada loogu diyaargaroobayo afduubka guddoomiyaha gobolka.

Caddaymaha uu soo ururiyey ayaa loo adeegsaday in lagu fashiliyo shirqoolkaas isla markaana la soo xiro.

Previous Post

QM oo sheegtay inay sii xoogeysatay Abaarta kajirta geeska Afrika

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay Maalintii labaad

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay Maalintii labaad

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay Maalintii labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

March 30, 2026
0

The Federal Government of Somalia has long sought to address the concerns of the South West State through measures intended...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In