Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen 85 bartilmaameed oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq si ay uga aargoostaan dagaalyahannada ay taageeraan Iran oo dhowaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku dilay saddex askari oo kamid ahaa ciidanka ku sugan Urdun .

 Weerarada Mareykanka waxaa cambaareeyay saraakiisha Ciraaq,waxaana jira  cabsi laga qabo in duqeymaha Mareykanka ee bariga dhexe ay sababaan  in uu faafo dagaalka Gaza.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay MadaxdaTehran sida uu sheegay wariyaha Aljazeera ee ku sugan caasimada Iran.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo ka yimaada milatariga Israa’iil, ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.

UNICEF waxa ay sheegtay in illaa 17,000 oo carruur ah oo Gaza ku sugan ay yihiin kuwa aad u nugul oo ay saameeyeen colaadaha ka jira Gaza ,isla markaana u baahan gurmad bini’aadanimo.

Ugu yaraan 27,131 qof ayaa la dilay, 66,287 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Previous Post

Madax ka tirsan DFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka

Next Post

Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka

Next Post
Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka

Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In