Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hogaamiyihii Daacish u qaabilsanaa dalka Afganistaan Xaafid Saciid Khaan lagu dilay duqeyn Cirka ah oo loo adeegsaday Diyaarad aan duuliye wadin.
Afhayeen u hadlay Bantikonka Mareykanka,ayaa sheegay in Saciid Khaan uu ku dhintay Duqeyn laga fuliyay gudaha Afganistaan bishii tagtay, balse ma uusan carabbaabin goobta ama degaanka lagu dilay.
Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha Daacish ee Afkanistaan, ayaa ku soo aaday iyadoo Saddex maalin kor weerarkii ugu weynaa ay kooxda Daacish ee xagjirka ah ka fulisay dalka Afganistaan, kaasi oo galaaftay nolasha in ka badan 80 qof, halka 230 kalana ay ku dhaawacmeen.
Sanadkii hore ayay aheyd, markii Sirdoonka Mareykanka ay shaaciyeen in Saciid Khaan ku dhintay weerar Cirka ah oo ay geysatay Diyaarad bilaa Duuliye ah, balse ururka isku magacaabay Dawlad islaamiya uu beeniyay isla markaana sheegay in hohaamiyahooda uu weli nool yahay.