Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo khafiifiyay cunaqabteynii saarneyn Suudaan

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo khafiifiyay cunaqabteynii saarneyn Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka, Mareykanka Barack Obama ayaa jimcihii shalay waxaa uu saxiixay  warqad lagu dhaqangeliyo talaabada uu dalka Suudaan ugu khafiifiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd dalkaas tan iyo 1997.

Talaabadan aqalka cad uu qaaday ayaa ah mid lagu garowsaday dadaalada dowladda Suudaan ay ku yareysay mushkuladaha gudaha wadankaas ka jira isla markaana hey’adaha gargaarka ay u ogolaatay in ay gaaraan goobaha dadka tabaaleysan joogaan iyo sida ay ula dagaalantay kooxaha argagaxisada.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qorshahan waxaa uu ugu gol leeyahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Suudaan ka hor inta uusan ka tagin xafiiska.

War qoraalka ah oo laga soo saaray aqalka cad, ayaa sidoo kale, waxaa lagu sheegay in qorshahan lagu khafiifinayay cunaqabateynta dhaqaale  dib loo dhigayay muddo 25 todobaad ah, si loo eego sida dowladda Suudaan ay ugu go’an tahay isbedalada ay sameynayso.

Mr Obama, ayaa sheegay in warqad ay qoreen mudanayaal ka tirsan, Congress-ka Mareykanka ay ku sheegeen in cunaqabateynta madaxweyne Bill Clinton uu saaray dalka Suudaan ay burisay talaabooyinka wanaagsan ee Khartuum sameysay bilihii la soo dhaafay.

Cunaqabateynta dhaqaale ee dalka  Suudaan la saaray ayaa ka dambeysay markii dowlada Mareykanka ay ku dartay dalalka taageerada argagaxisada.

Hase ahaatee, Suudaan ayaa wali waxaa ay baaqi ku sii ahaan doontaa liiska wadamada loo aqoosan yahay in ay caawiyaan kooxaha argagaxisada sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay aqalka cad.

Cunaqabateynta laga khafiifiyay ayaa waxaa kamid ah maalgashiga, safarada, iskaashiga dhaqaale ee labada dal iyo arimo kale.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa 2009 maxkamadda dambiyada aduunka ee ICC waxaa ay soo saartay warqad lagu xireyo kadib markii maxkamadu ay sheegtay in Mr al-Bashiir lagu heley dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka galbeedka dalkaas ku yaala ee Darfuur.

Hase yeeshee, madaxweynaha ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah isla markaana waxaa uu diiday in uu hogaansamo armka maxkamadda ICC.

Dadka falanqeeya siyaasadda, ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, laga yaabo in uu isbedel ku sameeyo talaabooyinka uu meel mariyay madaxweynaha xafiiska ka tagaya ee Obama.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo shaaca ka qaaday in ahmiyadda koowaad uu siinayo amniga

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo shaaca ka qaaday in ahmiyadda koowaad uu siinayo amniga

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo shaaca ka qaaday in ahmiyadda koowaad uu siinayo amniga

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In