Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo noqday dalka laga helay dadka ugu badan ee uu soo ritay caabuqa Corona

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo noqday dalka laga helay dadka ugu badan ee uu soo ritay caabuqa Corona
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tirada la xaqiijiyay in laga helay Viruska Corona ee gudaha dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay boqol kun oo kiis (100K), iyadoo sidoo kale la xaqiijiyay in Caabuqu uu hal maalin gudaheed ku dhacay 18 kun oo qof maraykanka dhexdiisa.

Xogtaas ayaa laga soo xigtay tirakoob ay sameysay jaamacadda Johns Hopkins, taasoo noqotay mid xaaladda Mareykanka u bedeshay inuu noqdo waddanka ugu horreeya dalalka caalamka ama ugu badan ee laga helay dadka uu haleelay ama la ildaran Caabuqa Crona.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay dhaqangelinta Sharciga Waxsoosaarka Difaaca si looga hortago cudurkan, sharcigaas oo u ogolaanaya Wasiirka Amniga Gudaha Maraykanka awoodo aan caadi ahayn ee lagu wajahayo dagaalka lagula jiro cudurka.

Sidoo kale Madaxweyne Donald Trump wuxuu saxeexay sharciga gargaarka degdega ah si loo badbaadiyo dhaqaalaha Mareykanka, sidoo kale aqalka Koongarayska Maraykanka ayaa isna dhankiisa u codeeyay in loo baahan yahay in Dawladda Maraykanku ay hesho dhaqaale gaaraya $2 tiriliyan oo ay ku jiraan kaalmo ay uga baahan tahay caalamka aintiisa kale si looga hor tago khatarta uu Crona ku hayo gudaha dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalahaasi uu yahay midkii ugu ballaarnaa abid oo inta la ogyahay taariikhda maraynaka ay tahay markii ugu horraysay ee uu u baahdo dhaqaale intaas le’eg.

Dhinaca kale dalal badan oo ku yaalla Yurub waxaa xargaha goostay awoodda uu CronaVirus ku yeeshay iyadoo ay jiraan dhimasho aad u badan oo ka dhalatay khatarta Crona.

Dawladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday diiwaangelinta ku dhawaad ​​kun qof oo dhimasho ah 24 saac gudahood, taasoo noqotay tirada ugu badan ee dhibanayaasha fayraska adduunka oo dhan.

Tirada guud ee dadka ku dhintay gudaha Talyaaniga waxay gaarayaan 9134, iyadoo ay ku jiraan 969 kiis oo cusub oo dhowaan laga helay dalkaas, laakiin xaaladda faafitaanka cudurka ayaa ah mid sii socota.

Previous Post

WHO oo Sheegtay in Soo Saarista Tallaal ama Dawooyin Soo Afjari Kara Caabuqa Corona Virus ay qaadan karto 18 bilood

Next Post

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn

Next Post
Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In