Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo Pakistan ka joojin doono $300 M oo gargaar ah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo Pakistan ka joojin doono $300 M oo gargaar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militiriga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa kal hore Pakistan ku eedeeyay in ay khiyaamayso Mareykanka xilli uu balaamiiyin doolar ugu deeqo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, Lt. Col Koné Faulkner, ayaa sheegay in militiriga Mareykanka uu lacagahan ku bixin doono meelo kale baahi deg deg ah loo qabo.

Hase ahaatee, talaabadan ayaa u baahan in ay ansixiyaan golaha Congress, waana qeyb kamid ah waxyaabihii waa weynaa oo ay ku dhawaaqeen bishii Janaayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa  Pakistan, ku dhaleeceysay sida ay ugu guul dareysatay in ay ka hor tagto kooxaha argagaxisada ah ee ciideeda ka waday dagaalada, waxaana kooxahaas kamid ah  ururka Haqqani  oo xiriir la leh Talibaanta Afghanistan.

“Waxaa sii wadaynaa in aan Pakistan ku cadaadino in ay si aan kala sooc la heyn u bartilmaameedsato kooxaha argagaxisada ,” ayuu yiri  Col. Faulkner.

Tallaabadan, ayaa timid maalmo uun ka hor booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu ku tagi doono dalka Pakistan si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaas Imran Khan.

Bishii Janaayo, ayaa Mareykanku sheegay in uu ka jaray dhammaan kaalmada amni ee Pakistan ka heli jirey.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa muddo dheer ku doodi jirey in Pakistan ay hoyso kooxo badan oo mayil adag kuwaas oo weeraro ka fuliya dalka dariska la ah ee Afghanistan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku aadan tallaabada Mareykanka ku dhawaaqay.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay

Next Post

UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

Next Post
UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In