Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo sheegay in uu ka walaacsanyahay xaaladda Itoobiya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya gabood-fallada ka dhacaya gobolka Tigray ee Itoobiya, intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay ciidmada dowladda Itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaadka Amxaarada iyo Jabhadda TPLF.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Waxa uu Price sheegay in Maraykanku uu “aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wadajirka ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch, taas oo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyada oo intaa ku dartay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu khasbay in guryahooda ay ka baxaan, loona geystay hanjabaad, xadgudub galmo, hor istaag gargaar iyo dil aan sharci ahayn.

Waxa kale oo ay warbixinta hay’adahan muujinayeen caddaymo dhimasho ka dhacday xabsiyada galbeedka Tigray iyo kufsi wadareed ay geysteen ciidamada dowladda.

Previous Post

Guddiga doorashooyinka oo maalinkii Todobaad waddo Shihaado Siinta Xildhibaanada

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In