Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dawladda Mareykanka ayaa qiratey in Ciidamadoodu ay Duqeeyeen Isbitaalka Kunduz ,Afgaanistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii madashada wadatashiga qaranka ee loogu magacdaray baaqa Muqdisho kaas oo maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu soo gunaanaday.

Iyadoo mas’uuliyiinta Soomaalida lagu booriyay in ay heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan qaabka doorashada  sanadka 2016  gaaraan 10 bisha Janaayo ee soo socota.

Related posts

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026

Mareykanka ayaa sheegay in madashada ay ku dadaashay sidii loo heli lahaa muwaafaqo loo dhan yahay isla markaana hufan iyo in sidii loo alkumi lahaa hanaan doorasho oo sharci ah loogu qaban lahaa Soomaaliya sanadka soo aadan ee 2016.

“Waxaan soo dhaweynaynaa mabaadi’da heshiiska baaqa Muqdisho kaas oo aasaas u ah hanaan doorasho oo dimoqraadi ah oo lamid ah kii 2012. Waxaan dhamaan ka qeybgaliyaasha ku boorinaynaa in ay muujiyaan sida ay ugu go’an tahay xal kama dambeyn ah in la gaaro 10 Janaayo 2016”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

Dowladda Mareykanka waxaa ay si xoogan u taageersan tahay go’aanka ah in aan mudo korarsi jirin  marka uu dhamaado waqtiga hey’adaha hadda jira, waxaana taageerayaan go’aankii golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaas oo tirsigiisu ahaa 2232.

Sidoo kale waxaa la adkeynayaa xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo dowladda Soomaaliya si loo dardargeliyo dib u dhiska wadanka iyo dadaalada horumarineed ee hadda ka socda dalka.

Mareykanka waxaa uu baaqi ku ahaan doonaa taageerada uu siiyo dadka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana sii wadi doonaa taageeradaasi si loo xaqiijiyo dadaalada lagu soo celinaayo nabadda iyo midnimada si loo gaaro  mustaqbal ifiya

Previous Post

|Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka maanta

Next Post

Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar-Sawirro

Next Post
Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar-Sawirro

Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar-Sawirro

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In