Dowladda mareykan oo ka walaacsan arrimaha ka soo kordhaya Sacuudiga oo ay ka mid yihiin qaqabashada dadka u dhaqdhaqa arrimaha Bani Aadanka ayaa baaq u dirtay Boqortooyada Sacuudiga.
Heather Neuert oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa muujiyay walaaca Washington ee ku aadan qaqabashada & xiritaanka dhaqdhaqaaqayaasha Sacuudi Carabiya, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Maraykanka ay diyaar u tahay gacan ka geysashada hubinta iyo sidii dacwad sharci ah logu fulin lahaa.
“Waxaan tixgelineynaa xuquuqda xorriyadda hadalka, taas oo aan si adag u taageerno mar kasta oo arrintaan la xallinayo,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadu Maraykanka ayaa baaq u dirtay Xukuumadaha Riyaad iyo Ottawa baaqasi oo ku aaddan sidii ay u xalin lahayeen is af garan waaga ka dhax taagan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in Riyadh iyo Ottawa ay tahay inay xalliyaan khilaafaadkooda si xariirkooda oo xumaada anan looga faa,ideysan.