Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in shaqo abuur loo sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed si loga hortago Amni darada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in shaqo abuur loo sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed si loga hortago Amni darada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Ibraahim Axmed Geeseey ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii shaqo abuur xoog leh loogu sameyn lahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed si looga guuleysto Kooxaha Argagaxisada oo isku daya inay dhalinyarada khaldaan.

Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS, ayaa shalay daahfurtay Mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan kun qof oo la barayo xirfado ay ka mid yihiin dhismaha iyo kuwa kale oo muhiim ah.

Wasiir Cabdifataax Ibraahim Axmed ayaa sheegay in Mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan Dhalinyaro badan iyadoo laga bilaabi doono Magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Muqdisho.

“Waxaan rabnaa in dhalinarada Soomaaaliyeed shaqo abuur xirfadeysan loo sameeyo si looga hortago amni darada, sidoo kale dadka naafada ah waxaan rabnaa inay fursadahan ka faa’iideystaan waxaana laga wada bilaabi doonaa Magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho wajiga koowaad oo 400 noqon doona halka wajiga labaad uu ka koobnaan doono 700”ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada Howlaha Guud ay maamuli doonto maareynta mashruucyada laga hirgeliyo dalka, iyadoo markii hore Hay’addaha UN-ka  iyo dalalka deeq bixiyaasha ay horay u maamuli jireen, waana guul usoo hoyatay Dowlada Soomaaliya oo si siman fursadahaasi kaga faa’iideyneysa Shacabkeeda.

Previous Post

Mareykanka oo walaac ka muujiyay  xariga Xukuumada Sacuudiga ay ku haysa Dadka u dhaqdhaqaaqa Samafalka.

Next Post

Carwada Buugaagta oo sanadkii 4-aad Magaalada Muqdisho si habsami leh uga socota.

Next Post
Carwada Buugaagta oo sanadkii 4-aad Magaalada Muqdisho si habsami leh uga socota.

Carwada Buugaagta oo sanadkii 4-aad Magaalada Muqdisho si habsami leh uga socota.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In