Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex iyo toban kun oo tan oo  isugu jira raashiin nafaqeysan iyo dawo ayuu sitaa markabkan, kaas oo ah deeq ka timid shacabka dalka Turkiga, waxaana soo gaarsiiyay Soomaaliya hey’adda bisha cas ee dalkaas.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar, oo markabkan deeqda saaran tahay ku wareejiyay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uusan gargaar kaliya ku ekaaneynin ee mashaariic horumarineed oo dhowaan dalka ay ka bilaabi doonaan.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Olgan Bekar, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in deeqdan ay qeyb ka tahay howlaha samafal ee hey’adaha Turkiga ku kaalmeynayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiir  ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cilmi Cumar Ceynsane ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu mahadceliyay is garab istaagooda xilliyada ay caawimaada u baahan yihiin, isagoona xusay in deeqdan la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

Mudane Ceynsane, ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkiga uu yahay walaal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. isagoo tilmaamay in ay bilaabeen qeybinta raashiinkan.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dalalka si weyn u kaalmeeya dadka Soomaaliya , iyadoo deeqdan ay ku soo aadeyso xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

 

        

 

 

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo loo dhaariyey Xilka “SAWIRRO”

Next Post

Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey-Sawirro

Next Post
Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey-Sawirro

Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey-Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In